Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ciidamada Mareykanka oo duqeyn ka fuliyey Jilib

Recommended Posts

Deeq A.   

Jilib (Caasimadda Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ayaa shaaciyey in Weerar duqeyn ah ay ku qaadeen degmada Jilib, iyadoo lagu beegsaday Argagixisada Alshabaab, sida lagu sheegay qoraal  kasoo baxay AFRICOM.

Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay Maanta oo ku beegan 3/9/2019 weerar dhinaca cirka ah ay la beegsadeen Xubno ka tirsan  Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntaas lagu dilay  xubin ka mida Alshabaab isla markaasna uu weerarkaan ka mid yahay qorshaha lagu carqaladeenayo isku socodka iyo howlaha argagixiso ee Alshabaab.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay inay weli socoto qiimeynta lagu sameenayo khasaaraha ka dhashay weerarka duqeynta ahaa.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ilaa iyo inta laga wiiqayo awooda Al-Shabaab ay ku leeyihiin Gudaha iyo Dibadda Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 sare u qaaday weerarada iyo duqeymaha ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab ee laga fulinayo gudaha Soomaaliya.

Dowldda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlin duqeyntaan ay sheegtay Mareykanka inay ka fulisay Magaalada Jilib.

EDi1lygWkAAQMxu.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this