Deeq A. Posted September 3, 2019 Muqdisho (SMN) – Kenya ayaa dalbatay in dib loo dhigo dacwadda ay ku sheeganeyso badda Soomaaliya ee ka furan ICJ,si ay u qorato qareenno cusub oo difaaca. Kulan Guddiga Amniga iyo Nabadda Afrika ku yeeshay Addis Ababa,ayay Kenya ka sheegtay inay dooneyso in dacwadda Badda Soomaaliya ee ay sheeganeyso lagu xalliyo wadahadal, dibna loo dhigo si ay u qorato qareenno xooggan oo difaaca. Soomaaliya ayaa dalbatay in dacwaddan loo daayo maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo dhageysigeeda u muddeysay 9-ka bishan. Wasiirudowlaha Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Khayr ayaa kulanka ka sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay in dacwaddan lagu dhammeeyo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo ay hor taallo. Kenya ayaa sheegatay qeyb ka mid ah xeebaha Soomaaliya oo uu shidaal ku jiro. Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ka dacweysay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, waxaana qorshuhu yahay in dacwadda la galo 9-ka bishan September. Kenya oo aan kalsooni ku qabin sheegashadeeda lahaanshaha biyaha Soomaaliya, ayaa xusul duub ugu jirta in dacwada dib loo dhigo ama wada hadal lagu dhammeeyo, taasoo muujineysa taag darrada dooddeeda ay ku sheeganeyso biyaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites