Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo kormeeray ciidamada la geeyay Dh/mareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kormeeray goobaha ay magaalada Dhuusamareeb uga suganyihiin ciidamada booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ee qayb ka ah ciidamada ka shaqeynta adkeynta amniga xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sheegay in uu ku faraxsanyahay in ciidamada booliiska ee sida gaarka ah u tababaran ay yihiin ciidamo ka howl-gala meel kasta oo dalka kamid ah ee qaranku u diro in ay ka shaqeeyaan ayaa faray in ay laba jibbaaraan dadaallada ay uga qayb qaadanayaan amniga Dhuusamareeb si looga mira dhaliyo qorshaha dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray xarunta lagu qabanayo shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo deegaannada ergada shirka ka qayb geleysa ay magaalada ka deganyihiin.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa shalay u yimid magaalada Dhuusamareeb dardar-gelinta dadaallada lagu dhammeystirayo qorshaha dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug iyo furitaanka shir-weynaha dib-u-heshiisiinta.

FB_IMG_1567536734882.jpgFB_IMG_1567536768351.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this