Sign in to follow this  
Deeq A.

Jawaabta Somalia ee codsiga Kenya ay ku hakineyso dhageysiga dacwada iyo waxa xiga ee dhici doona

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan seertay codsiga Kenya ay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ uga dalbatay in la hakiyo dhageysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Paul Kihara ayaa warqad rasmi ah oo uu u diray waxa uu codsiga Kenya cudur daar uga dhigo in Kenya ay dooneyso inay qorato koox cusub oo ah qareeno difaaca, sidaas darteedna ay u baahan tahay waqti dheeri ah.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa diiday codsiga Kenya, waxaana la filayaa in berri ay warqad rasmi u dirto maxkamadda ICJ, kuna war-geliso go’aankeeda, iyo inay diyaar u tahay in kiiska uu sii socdo.

Soomaaliya ayaa ku doodi doonto in haddii Kenya ay dooneyso inay qareeno cusub qoroto ay haystay in ka badan hal sanno, oo ay sidaas ku sameyso, sidaas darteedna cudur-daarkaas aan iminka la aqbali karin.

Dhageysiga dacwadda ayaa waxaa la qorsheeyey in u dhaco maalmaha Isniinta illaa jimcaha ee 9-ka illaa 13-ka bishan September.

Diidmada Soomaaliya ayaa la macno ah, in Kenya ay ku qasbanaan doonto inay maxkamadda hor-timaado, haddii ay sidaas sameyn weysana kiiska uu socon doono la’aanteed.

Go’aanka kasta oo dib loogu dhigayo kiiska ama lagu joojinayo waa inay isku racaan labada dhinac ay maxkamadda ay quseyso, waxaana diidmada Soomaaliya ay la macno tahay inuusan Kenya u furneyn albaab ay uga baxsan karto kiiska.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this