Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada Jubbaland oo codsi deg deg ah usoo diray DF Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland oo dhowaan Madaxweyne u doortay Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ugu baaqay dowlada federalka in ay xayiraada ka diyaaradaha ka qaado garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Kulan ay maanta yeesheen xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland ayaa waxa ay xildhibaanada ku sheegeen in dadka rayidka ah ay dhibaato kasoo gaartay xayiraadda diyaaradaha Kismaayo ayaa Dowladda Federaalka ka dalbaday in ay xayiraadda ka qaado duulimaadka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

“Xildhibaanada oo si qoto dheer uga hadlay dhibaatada ay dadka rayidka ah kasoo gaartay xayiraadda diyaaradaha Kismaayo ayaa Dowladda Federaalka ka dalbaday in ay xayiraadda ka qaaddo duulimaadka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo” ayaa lagu yiri war laga soo saaray kulanka Xildhibaanada.

“Xildhibaanada ayaa sheegay in dhibaatooyinka ugu daran ee ka dhashay xayiraadda ay gaareen dadka rayidka ah, sida dadka xanuusan oo ay adag tahay in dhaqso lagu gaarsiiyo goobaha Isbitaalada maadaama xayiraad la saaray diyaaradahii tooska ahaa”.

Sidoo kale Xildhibaanada baarlamaanka Jubbland  ayaa “afduubka” ku tilmaamay Xariga Ciidanka Booliska Soomaaliya ay magaalada Muqdisho Jimcihii la soo dhaafay ugu geysteen Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo wajahaya eedo loo heysto.

Ugu dambeyn Xildhibaannada ayaa dowladda ay ka dalbadeen in xurriyadiisa la siiyo Wasiirka.

69724687_1622691614531438_43901237953864 69692857_1622691724531427_55686276928713 69481090_1622691541198112_29058097138011 69381554_1622691577864775_51874063956783

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this