Deeq A. Posted September 3, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta la kulmay guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Waljamaaca, Macalin Maxamuud iyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay doorashooyinka maamulkaasi iyo shirka dib u heshiisiinta oo beri ka furmaya magaalada Dhuusamareeb. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa ka dalbaday hoggaanka Ahlu Sunna inay gacan ka geystaan dadaaladda loogu jiro dhismaha Galmudug oo loo dhan yahay. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo aadkeeyey, iyadoo ay sugayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee dhowaan la geeyey magaaladaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites