Deeq A. Posted September 3, 2019 Buulo-burte (SMN) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgallo Milatari ka wada qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa balaaran ayaa waxa ay ka socdaan agagaarka degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo-burte ee gobolkaasi. Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in u jeeedka howlgalladan uu yahay mid lagu baadi goobayo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo weeraro ka fuliyey halkaasi. Xalay iyo shalay gelinkii dambey ayaa waxa ay weeraro kala duwan ka dhaceen qeybo ka mid ah magaalooyinka Jalalaqsi iyo Buulo-burte ee gobolka Hiiraan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites