Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa kuma C/rashiid Janan? – Aqriso sooyaalka wasiirka u xiran dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay xabsiga dhigtay Cabdirashiid Janan, wasiirka amninga ee Jubaland. Dowladdu waxay sheegtay in Cabdirashiid Janan loo haysto “dambiyo culus” oo uu galay.

Kuxigeenka taliyaha booliska ee Soomaaliya, Sareeye-guutoZakiya Xuseen, waxay barteeda Twitter-ka soo dhigtay: “Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa taariikhdu markay ahayd 31/08/2019 soo xiray eedeeysane Cabdirashiid Xassan Nuur ‘Janan’ kaasoo ku eedaysan dambiyo culus.”

Dowladda wali ma bixinin faafaahin ku saabsan in maxkmad la soo taagi doono Janan iyo In kale.

Soo shaacbixii Janan

Bartamihii sagaashameeyadii ayuu isagoo da’yar waxa uu ku biiray ururkii Al-Itixaad ee gobolka Gedo kaas oo waqtigaas la dagaallamayay ciidammada Itoobiya ee gacanta siinayay kuwii ururkii SNF ee la wareegay degmooyiinka Baledxaawo, Doolow iyo Luuq ee gobolkaasi.

Muddo ka dib, markii laga adkaaday ururka Al-Itixaad, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) wuxuu dhexdhexaadin ka dib, uu dib ugu laabtay magaalada Doolow ee Soomaaliya halkaas oo uu ka talin jiray maamul gacan saar la lahaa dowladda Itoobiya.

Waa halka uu ka helay fursaddiisa maamul. Waxaa muddo yar ka dib loo magacaabay gudoomiyaha degmada Doolow, taasna waxay u sahashay inuu udub dhexaad u noqdo siyaasadda gobolka Gedo oo intiisa badan ay gacanta ku hayeen ciidammada Itoobiya.

Mudadii uu maamulayay magaalada wuxuu wax badan ka qabtay ammaanka iyo in xarun uu degmada uga dhigay hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya Koonfurta Soomaaliya taas oo fursado shaqo u abuurtay dhalinyarada deegaankaasi.

Dagaallada uu ka qeybgalay

Cabdirashiid Janan waxaa la sheegaa inuu dagaallo kala duwan ka qeybgalay.

Sagaashameeyadii wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii u dagaalami jirtay ururka Al-Itixaad ee ka soo horjeeday ciidammadii Itoobiya ee Gedo soo galay, kaas oo uu ka soo helay khibraddiisa dagaal walow aanan la ogayn tirada dagaallada uu waqtigaas galay.

Markii uu noqday gudoomiyaha degmada Doolow, waxa uu bilaabay inuu abaabulo ciidamo isaga ka amar qaata oo daacad u ah kuwaas oo ay u tababareen una qalabeeyeen ciidammada Itoobiya.

Dagaalladii ugu cuslaana wuxuu la galay ururka Al-Shabaab oo muddadaas haystay inta badan degmooyinka gobolka Gedo.

Hasayeeshee Cabdirashiid Janan wuxuu ku dhaawacmay mid ka mid ah dagaalladii uu la galay ururka Al-Shabaab. Waxaa la sheegaa in dagaalkaasi uu Shabaab iyo ciidammadiisa ku dhexmaray inta u dhaxaysa magaalooyinka Luuq iyo Garbahaarey.

Tacaddiyada lagu eedeeyay

Cabdirashiid Janan dadka dhaleeceeya waxa ay ku eedeeyaan inuu gacan bir ah ku qabto dadka maamulkiisa ka soo horjeesta amaba su’aal galiya sida uu wax u maamulo.

Waxaa lagu eedeeyay inuu gaystay tacaddiyo ka dhan ah aadaha; waxaa ka mid “in uu dilay dad maxaabiis ahaa oo u xirnaa maamulkiisa”, sida ay sheegeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Hay’ad u doodda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in wasiirka amniga Jubbaland ay tahay “in uu gurto miraha cadaaladda ee ay helaan dadkii uu dhibaatada u geystay”.

Hay’adda Amnesty International oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in Cabdirashiid Janan “looga shakisan yahay in uu masuul ka ahaa dembiyo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha”.

“Waxaa ka mid ah carqaladeynta kaalmada bini-aadamnimo,” ayuu yiri Agaasime ku xigeenka hay’adda Amnesty International ee Bariga Afrika, Seif Magango.

“Xarigga Cabdirashid Janan waa tallaabo muhiim u ah isla xisaabtanka la xiriira xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee muddada sanadaha ah la geysanayay iyadoo ciqaab aysan marin kuwii ka dambeeyay ee ah dadka awoodda leh ee Soomaaliya”, ayuu yiri Seif Magango.

“Baaritaanka iyo maxkamadeynta Cabdirashiid Janan waa in ay horseedaan xilli ay cadaalad helaan dadka dhibanayaasha ah ee xuquuqdooda aadanaha lagu tuntay iyo qoysaskooda ku sugan Soomaaliya”, ayuu hadalka ku sii daray.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu xiray uuna musaafuriyay qaar ka mid ah dad ku noolaa magaalooyiinka uu ka taliyay ee maamulkiisa uu gaaray.

Eedahaas waxaa ka mid ah dagaal bartimihii sannadkii 2016 ka dhacay magaalada Baledxaawo halkaas oo lagu dilay laba qof iyo lix kalana lagu dhaawacay ka dib markii “ciidammada Jubaland ay weerrareen maleeshiyo ay sheegeen inay isku uruursanayeen magaalada”.

Hay’adda dabagalka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo Eritrea ayaa warbixinnadoodii 2016 iyo 2017 ku eedeeyay Cabdirashiid Janan “Xadgudubyo halis ku ah xuquuqda aadanaha”.

Sidoo kale waxay la xiriiriyeen “Abaabullidda carqaladeyn ka dhan ahayd kaalmada bini-aadamnimo” muddadii u dhexeysay 2014 iyo 2017.

Waxaa ka sii horraysay eed aheyd inuu si bareer ah u toogtay oo maydkoodana uu bannaanka ku tuur afar qof oo haweeney ay ka mid aheyd oo ku jiray xabsiga degmada Doolow, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay kooxda dabagalka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eretria.

Dhammaan eedahaasi Cabdirashiid Janan gaashaanka ayuu u daruuray wuxuuna sheegay inay warar aan jirin buunbuubinayaan dadka diiddan sida wanaagsan ee uu wax u maamulo, inta badanna dadka deegaannada uu ka taliyana ay isaga taageersan yihiin.

Shilkii gaari

Cabdirashiid Janan, bilowgii sannadkii 2015-kii, wuxuu dalka Itoobiya ku galay shil gaari. Dhaawac culus ayaa shilkaasi ka soo gaaray waxaana markii hore lagu dabiibay isbitaal ku yaalla dalka Itoobiya markii dambana dibadda ayaa loo sii qaaday.

Shilkaas wuxuu saameeyay caafimaadkiisa. Cabdirashiid Xasan Cabdinuur waxaa wajigiisa ka muuqda raadka qalliinnadii lagu sameeyay intii lala tacaalayay.

Muddo ayuu ka maqnaa xafiiska awoodda badan ee uu ka hayay maamulka Jubbaland ee ah wasiirka amniga.

Shaacinta dilkii Dulyadayn

Bartamihii bishii June ee sannadkii 2016, wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo magaalada Kismaayo kula hadlay wariyayaasha, ayaa xaqiijiyay in ragga la dilay uu ku jiro Maxamed Maxamuud Cali (Dulyadeyn), iyo ciidan tiradoodu uu ku sheegay 16 oo 4 ay saraakiil Al-Shabaab yihiin.

Saraakiisha kale ayuu magacyadoodu ku sheegay Farxaan iyo Macalin Isxaaq oo “qaraxyada Kismaayo u qaabilsanaa” ururka.

Maxamed Maxamuud Cali (Dulyadeyn) ayey dowladda Soomaliya u haysatay weeraro badan oo dad ku dhinteen, halka dowladda Kenya ay ku eedeysay weerarkii jaamacadda Gaarisa oo ay ku dhinteen ku dhowaad 150 qof.

Xigasho: BBC Somali

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this