Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo howlgallo ka sameeyey Garasbaaley

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya baaritaano ay maanta ciidamada dowladda ka sameeyeen duleedka magaalada Muqdisho.

Howlgallada oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxaa ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ay ka sameeyeen nawaaxiga deegaanka Garasbaaley.

Ciidamada dowladda ayaa howlgalladaasi ku soo qab qabtay tiro dad ah, kuwaas u badan dhalinyaro.

Maxamuud Xaashi Cali guddoomiye waaxeedka laanta 1-aad ee deegaankaasi ayaa ka warbixiyey baaritaanadan oo uu ujeedkoodu ku sheegay in lagu xaqiijinayey amniga.

Howlgaladan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay qarax xoogan iyo iska hor imaad uu ka dhacay agagaarka isgosyka Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this