Deeq A. Posted September 3, 2019 Muqdisho (SMN) – Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Genaral Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa manta la kulmay saraakiisha,saraakil xigeenada iyo ciidamada Asluubta. Kulankasi waxaa looga hadlay dardar galinta howlaha amniga, xanaaneynta , ka war qabidda maxaabista iyo howlaha kale ee lagama maarmaanka u ah shaqo maalmeedka. Taliyaha oo la hadlaayey boqolaal isugu jiray Saraakiil ,saraakiil xigeen iyo ciidanka ayaa kula dardaarmay in la xoojiyo howlaha ay hayaan ciidanka Asluubta ,isla markaana la sii ambaqaado geedi socodka loogu jiro hiigsiga howlaha kala duwan ee horyaalla ciidanka. Sidoo kale Genaral Mahad Cabdiraxmaan Aadan Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta waxa uu maanta Kormeeray xafiisyada ay ku shaqeyaan saraakiisha Ciidanka Asluubta. Dhowaan taliyaha cusub ee Asluubta ayaa xilka kala wareegay Bishiir Goobe oo labo jeer soo qabtay xilkaasi, kadib munaasab ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites