Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimihii madaxtooyada HirShabelle oo isku dhiibay Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu isku soo dhiibay agaasimihii hore ee madaxtooyada maamulka HirShabelle, oo lagu magacaabo Xasan Cumar Axmed (Xasan Mahdi).

Idaacadda Al-Shabaab ee Andalus ayaa baahisay sawirrada iyo codka Xasan Mahdi, oo dhowr bilood ka hor xilka laga qaaday, kaasi oo ay sheegtay inuu isku dhiibay maamulka Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan.

Xasan Mahdi ayaa wareysiga uu siiyey idaacadda Andalus ku sheegay inuu muddo saddax bilood ah uu agaasime madaxtooyo horey ugu ahaa madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare.

Waxa uu sidoo kale wareysiga ku sheegay in uu isaga baxay siyaasadda uu ugu yeeray “mid ku dhisan shisheeye la shaqeynta ee ay ku dhaqmaan maamullada ka jira Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.”

Xasan Mahdi ayaa sheegay in Shabaabka aysan soo wicin una sheegin inuu isa soo dhiibo, balse uu isaga doortay inuu waco, la xiriiro, islamarkaana u sheego inuu doonayo inuu “towbad keeno”, sida uu hadalka u dhigay.

“Markii cashar diini ah la I siiyey, oo qur’aanka la I tusay, xadiiska la I tusay, ayada oo aan la I dhihin riddo ayaa tahay, aniga ayaa ogaaday inana riddo ahaa” ayuu yiri.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this