Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Qirasho cad

Recommended Posts

They said there are five stages of grief, which are are the following: Denial, anger, bargaining, depression and acceptance. We are finally in the final stage from the secessionist zombies. Read on.

Mashruuc ay saxiixday DF Soomaaliya oo laga billaabay deegaannada Soomaaliland

Cabdillaahi Abokor Cismaan, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday in deegaanadeeda laga wado Mashruuc ay soo saxeexday dowlada federaalka.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya ay wada saxeexeen mashruuca uu baanka horumarinta Afrika ka fulinayo Somaliland, kaasi oo ah wadada isku xidha magaalooyinka Borama iyo Lowyacado.

Wasiir Cabdilaahi Abokor oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri, “Mashruuca waxa maalgelinaya Baanka Horumarinta Afrika, Mashruuca Hal-abuurkiisana waxa lahayd Dawladda Somaliland, waxaanu markii uu Madaxweynuhu Jabuuti tagay uu ka codsaday Madaxweynaha Jabuuti in Waddadaa (Boorama iyo Lowyacado) wax lagala qabto”.

“Madaxweynaha Jabuuti wuu ka hawl-galay waxaanu Baanka Horumarinta Afrika ka codsaday in Waddadaa loo dhiso, waxa ka wada codsaday Dawladaha Jabuuti iyo Itoobiya, Dawladda Soomaaliyana markii dambe qayb ka noqotay, maaddaama oo aanay Somaliland ka mid ahayn Wasiirrada Maaliyadda Afrika ee saxeexa Mashaariicda”

Wuxuuna intaas kusii daray “Innaga Soomaaliya waxay inoola mid tahay Itoobiya ama Jabuuti oo kale, Mashruucaana waxa wada saxeexay Saddexdaa Dal, maaddaama oo aynaan innagu ka mid ahayn Baanka Horumarinta Afrika”.

“Mashruucaa shaqadiisana Somaliland baa gacanta ku haysa, laakiin Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa wada saxeexay Mashruucaa, maaddaama oo ay qayb ka yihiin baanka Horumarinta Afrika”.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.