Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo codsanaysa in dhegaysiga kiiska badda laga reebo garsoore Cabdiqawi.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa 9-ka bishaan aynu kujirno ee Sept waxa uu maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ horgeyn doonaa dood iyo difaac ku aadan kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Arrintaan ayaa waxaa war ka soo saartay dowladda Kenya oo dalbatay in dhegaysiga kiiska badda ee kala dhexeeya Soomaaliya laga saaro garsoore Cabdiqawi Axmed Yuusuf oo ah madaxweynaha maxkamadda ICJ oo ah nin Soomaali ah.

PAF oo ah hayad ay madax ka yihiin dad Kenyan ah una dooda arrimaha geeska iyo Bariga Africa ayaa sheegtay in Kenya ay doonayso in doodahaan laga saaro garsoore Cabdiqawi oo ay ku tuhunsan tahay inuu garab la yahay Soomaaliya.

Hayadda PAF ayaa sheegtay in garsoorahaan Soomaaliga ah uusan dhex dhexaad ka ahayn kiiskaan isla markaana ay door bidayaan inay maamulayaan garsoorayaal aan labada dhinac xiriir la lahayn.

PUNTLANDPOST

The post Kenya oo codsanaysa in dhegaysiga kiiska badda laga reebo garsoore Cabdiqawi. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this