Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ujeedka safarka Madaxweyne Biixi oo u ambabaxay Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti.

Booqashadan oo aan la shaacin inta ay qaadan doonto ayaa waxa ay salka ku heysaa iskaashiga Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka socdaalka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu la xariiro xoojinta xiriirka labada dhinac.

Xubnaha wafdigan qeybta ka ah ayaa waxaa ka mid ah wasiirada arrimaha dibadda, gaashaandhiga, xanaanada xoolaha iyo horumarinta kaluumeysiga ee Somaliland.

Ma’ahan booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Biixi ku tegayo Jabuuti, isagoo horay ula kulmay Ismaaciil Cumar Geelle.

6.jpg Bixii.jpg 2.jpg 4.jpgCaasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this