Sign in to follow this  
Deeq A.

Mashruuc ay saxiixday DF Soomaaliya oo laga bilaabay deegaannada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Cabdillaahi Abokor Cismaan, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday in deegaanadeeda laga wado Mashruuc ay soo saxeexday dowlada federaalka.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya ay wada saxeexeen mashruuca uu baanka horumarinta Afrika ka fulinayo Somaliland, kaasi oo ah wadada isku xidha magaalooyinka Borama iyo Lowyacado.

Wasiir Cabdilaahi Abokor oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Mashruuca waxa Maalgelinaya Baanka Horumarinta Afrika, Mashruuca Hal-abuurkiisana waxa lahayd Dawladda Somaliland, waxaanu markii uu Madaxweynuhu Jabuuti tagay uu ka codsaday Madaxweynaha Jabuuti in Waddadaa (Boorama iyo Lowyacado) wax lagala qabto”.

“Madaxweynaha Jabuuti wuu ka hawl-galay waxaanu Baanka Horumarinta Afrika ka codsaday in Waddadaa loo dhiso, waxa ka wada codsaday Dawladaha Jabuuti iyo Itoobiya, Dawladda Soomaaliyana markii dambe qayb ka noqotay, maaddaama oo aanay Somaliland ka mid ahayn Wasiirrada Maaliyadda Afrika ee saxeexa Mashaariicda”

Wuxuuna intaas kusii daray “Innaga Soomaaliya waxay inoola mid tahay Itoobiya ama Jabuuti oo kale, Mashruucaana waxa wada saxeexay Saddexdaa Dal, maaddaama oo aynaan innagu ka mid ahayn Baanka Horumarinta Afrika”.

“Mashruucaa shaqadiisana Somaliland baa gacanta ku haysa, laakiin Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa wada saxeexay Mashruucaa, maaddaama oo ay qayb ka yihiin baanka Horumarinta Afrika”.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this