Sign in to follow this  
Deeq A.

Heshiis Ay Gaadheen Mareykanka Iyo Ururka Taliban Oo La Shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Afghanistan)-Danjiraha dowlada Mareykanka u qaabilsan wadahadallada nabada ee ururka Taliban Zalmay Khalilzad, ayaa sheegay in lagu heshiiyay in Milatariga Mareykanka ay ka baxaan shan saldhig oo ay ka dagan yihiin wadanka Afghanistan haddii uu dhaqan galo Heshiiska.

fd196ab592704593aa9737eae62edb9b_18.jpg

Mr Zalmay oo u waramayay warbaahinta Tolo ayaa sheegay in 135 maalmood ay qaadan doonto marka uu heshiiskaan dhaqan galo lana helo Xasilooni Nabadeed.

Madaxa wadahadalka Mareykanka ayaa dhanka kale tilmaamay in heshiiskaan uu wali u baahan yahay in si rasmi ah uu ansixiyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, deetana saraakiisha labada dhinac ay si rasmi ah ugu dhawaaqi Doonaan.

Isniintii shalay ayaa xilli hore ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Khalilzad uu heshiiskan tusay madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani, oo dowladiisa ka hadhay wadahadalka u dhaxeeyay labada Dhinac.

Sida ka muuqato heshiiskan marka ay ka baxaan milatariga Mareykanka saldhigyada ay ka joogaan Afghanistan, ayaa waxaa adeegsan doonin ciidanka Dowlada.

Dhanka kale Ururka Taliban ayaa laga doonayaa in ayna weerar ku qaadin milatariga Mareykanka iyo Xulufadooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this