Sign in to follow this  
Deeq A.

Madax Ka Socota Dawladda Hindiya Oo Kulan La Qaatay Basaas U Dhashay Dalkood Oo Ku Xidhan Pakistan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Pakistan)-Ku xigeenka safiirka Hindiya u qaabilsan Pakistan, ayaa la kulmay Kulbhushan Jadhav, oo ah sargaal hore uga tirsanaa ciidanka Hindiya kaasi oo dowlada Pakistan ku xukuntay dil Toogasho.

156743828488ca3.jpg

Arintaan ayaa waxaa xaqiijiyay afhayeenka wasaarada arrimaha dibada Hindiya Raveesh Kumar, waxaana uu sheegay in kulanka uu qaatay muddo laba saacadood ah.

Booqashada aan xabsiga ugu tagnay Jadhav maanta waxay la xidhiidhaa amarkii ka soo baxay maxkamadda caalamiga ah ee cadaalada, si aan ula socono xaaladda muwaadinkan hindiga ah ee ku xidhan Pakistan, ayuu yidhi Kumar.

Hindiya ayaa dhanka kale sheegtay in maxbuuskan uu u muuqday mid saaran cadaadis kaga imaanaya ciidanka amniga Pakistan.

Bishii hore ee Agoosto ayey aheyd markii saraakiisha Hindiya ay ku andacoodeen in Pakistan ay diiday in ay booqdaay Jadhav oo jaajuusnimo loo haysto waxaana ay intaa ku dareen in xukuumada Islamabad ay jabisay heshiiska maxaabiista ee Viana.

Kulbhushan Jadhav oo hore uga mid ahaa ciidanka badda Hindiya ayaa bishii march laamaha amniga Pakistan ku xidheen gobolka dhaca dhanka koonfur galbeed ee Balochistan.

Dowlada Pakistan ayaa intaa ku dartay in Jadhav uu ku safrayay sharci been abuur ah uu laheyn, kuna howlanaa weeraro Argagixiso.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this