Deeq A. Posted September 3, 2019 (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka u ambabaxaya dalka deriska ee Jamhuuriyadda Jabuuti. Sida la sheegay wuxuu ku tagaya martiqaad rasmi ah laakiin, ma jirto wax faahfaahin ah oo laga helayo safarka waxaanay masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibaddu ka gaabsadeen in ay wax tafaasiil ah bixiyaan. Madaxweyne Biixi ayaa la filaya in ay wehelin doonaan xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada maana cadda ujeedada safarkan laakiin, wargeyska Geeska Afrika oo safarka wax ka qoray ayaa tilmaamay in ay arrimaha Geeska ee xilligan qayb ka yihiin wada hadalka Biixi iyo Geelle. Madaxweyne Biixi oo socdaalkiisii labaad ku tagaya Jabuuti ayaa cilaaqaad saaxiibtinimo la leh dhiggiisa madaxweyne Geelle oo sidoo kale xidhiidh fiican la leh madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyada oo taas bedelkeeda loo arko in xidhiidhka Farmaajo iyo Biixi yahay kii ugu adka ee Somaliland iyo Somalia. Ma cadda in wada hadalka Biixi iyo Geelle ay qayb ka noqon doontu isu soo dhawaynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland oo dagaal siyaasadeed ka dhexeeyo. Source Share this post Link to post Share on other sites