Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxtooyadda Oo War Ka Soo Saartay Ujeedada Safar Uu Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Baxay Dalka Jabuuti+SAWIRRO

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xafiiska afhayeenka Madaxweynaha Somaliland ayaa war ka soo saaray safar uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo ay saaka ugu baxeen dalka Jabuuti.

4.jpg 3.jpg 2.jpg 1.jpg

Warkan ka soo baxay madaxtooyadda oo soo gaadhay xafiiska warqabadka Somalilandtoday ayaa u dhignaa sida tan:

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Maanta U Ambo-Baxay Dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 03-09-2019 safar shaqo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aynu jaarka iyo walaalaha nahay.

Safarkan shaqo oo qaadan doona muddo kooban ayaa isla maanta markay gaadhaan dalka Jabuuti weftiga madaxweynuhu waxay si rasmi ah u gudo-geli doonan hawlaha shaqo ee ay dalkaasi u tageen.

Ujeedada safarka madaxweynuhu wuxuu daaran yahay xoojinta xidhiidhka qotada dheer iyo iskaashiga horumarka ee ka dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxaana Madaxweynaha Safarka ku wehelinaaya wasiirrada wasaaradaha, arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhiga iyo xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this