Deeq A. Posted September 3, 2019 Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa xalay ka dhacay degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare. Sida wararku ay sheegayaan, Al-shabaab ayaa weerar kusoo qaaday saldhig ay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Buulo-burde, gaar ahaan duleedka degmadaasi. Dadka deegaanka ayaa sheegay in Labada dhinac ay isku adeegsadeen hub aad u culus, iyadoo aan la ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha dagaalka ka dhashay. Saraakiil ka tirsan ciidanka DFS ayaa sheegay iney iska difaaceen Al-shabaab, islamarkaana ay khasaare soo gaarsiiyeen. Xaaladda degmada Buulo-burde ayaa ah mid deggan, iyadoo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites