Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo maanta kulamo ka bilaabaya Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo xalay ku hoyday Dhuusamareeb ayaa maanta kulamo ka bilaabayo gudaha magaaladaasi.

Kulamadan oo ah kuwa xasaasi ayaa waxaa intooda badan diirada lagu saarayaa arrimaha Galmudug, gaar ahaan shirka dib u heshiisiinta maamulkaasi.

Khayre ayaa si gaar ah ula shiraya ergada ka qeyb galeysa shirkaasi oo beri ka furmaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa warbixiyey arrimahaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/cod-guuleed.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this