Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimaha Madaxtooyada oo la kulmay Guddoomiye Filish

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr; Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), ayaa Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ugu hambalyeeyay xilka cusub ee uu Madaxweynaha JFS u magacaabay.

Kulanka mas’uuliyiinta oo ka dhacay Xafiiska Agaasimaha ayaa diiradda lagu saaray howlaha horumarineed ee Gobolka ka socda iyo kuwa horyaalla, iyada oo xoogga lasaaray dardargelinta amniga, arrimaha Bulshada iyo dib u dhiska goobaha danta guud.

Agaasimaha Madaxtooyada ayaa Guddoomiyaha cusub u ballanqaaday in ay Gacan muuqata ka geysanayaan dhammaan dedaallada lagu horumarinayo adeegyada asaasiga ah ee Bulshada.

“Gobolka Banaadir waxaa ku yaal caasimaddii Ummadda Soomaaliyeed waana muhiim in dhammaanteen aan iska kaashanno soo celinta heybaddii ay Muqdisho ku lahayd caasimadaha Dunida”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. ayaa  dhankiisa ka mahadceliyey soo dhoweynta iyo talooyinka muhiimka ah ee Agaasinka Madaxtooyada JFS, isaga oo Carrabka ku adkeeyay in maamul iyo Shacabba ay xoogga saarayaan  sidii loo heli lahaa caasimad qurxoon oo amni ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this