Deeq A. Posted September 3, 2019 Buulo-Burte (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaaday fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin degmadaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in labada dhinac uu dhexmaray dagaalka foolka fool ah, islamarkaana la’isku adeegsaday hunka nuucyadiisa kala duwan. Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkaasi, balse lama oga inta uu la’egyahay. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab iyo maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobolkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites