Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir oo soo saaray amar horay loogu mur-muray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (PP) ─ Duqa cusub ee Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed [Filish[ ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo lacagaha la siiyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia, taasoo laga bixiyo qasnadaha gobalka Banaadir.

Cumar Filish ayaa warqad uu shalay qoray ku amray in aysan jirin qof la siin karo lacag, kuwaasoo aan ka tirsaneen shaqaalaha gobalka Banaadir, wixii laga baxsan waayana ay ku baxaan saxiix iyo wada-tashi loo dhan yahay.

Sidoo kale, Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa amray in balan la’aan aysan jirin qof xafiiskiisa iman karta, waxaana lagu wargeliyay gabi ahaan shaqaalaha in xildhibaanada, wasiirrada iyo saraakiisha kale ee danta ka leh xafiiskiisa ay ku yimaadaan ballan iyo ka warqab.

Xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda Somalia ayaa horay lacago aan sharci ahayn uga qaadan jiray gobolka Banaadir, balse tallaabadan ayaa u muuqata mid cunaha lagu qabanayo xubnahaas.

Guddoomiyihii geeriyooday ee gobolka Banaadir, Inj. Yariisow ayaa wuxuu horay u joojiyay lacago xubno ka tirsan Dowladda laga siin jiray Gobolka Banaadir, taasoo dhalisay muran iyo is-qabqabsi xoog leh, inkastoo goor dambe la xalliyay murankaas.

Mas’uuliyiintii lacagaha laga joojiyay xilligaas ayaa dib loogu furay qoondo gaar ah, waxaana xubnaha laga joojiyay lacagaha ka mid ahaa xubno si aad ah u taageersan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana si hoose loo xalliyay murankaas, iyadoo loo fasaxay lacagahooda.

Dhanka kale, Xubnaha hadda lagacaha weyn doona waxaa ka mid ah kuwo aan xilal u hayn dowladda oo la naas-nuujiyo, kuwaasoo ay ku jiraan xubno nabaddoono ah, kooxo taageersan dowladda iyo mas’uuliyiin looga baqay in DF ay mucaaradaan.

PUNTLND POST

The post Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir oo soo saaray amar horay loogu mur-muray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this