Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wasiir Cawad oo la kulmay danjire Swan iyo ujeedka wada-hadalkooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay kula kulmay Muqdisho Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan.

Cawad ayaa Swan kala hadlay iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey si loogu adeego Soomaalida, waxa kale oo ay isla fallanqeeyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo nabadgelyada dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu markale ku celiyay taageerrada dalkiisu u haayo dadaallada Wakiilka Gaarka ah iyo qorshaha howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ayaa markii la soo magacaabay wuxuu tagay Maamul Goboledyada dalka ka jira xarumahooda isaga oo kulamo kala duwan la soo qaatay madaxda Maamuladaasi.

Qaramada Midoobay ayaa door muuqda oo taageero ah ka qaadata Hanaanka Siyaasadda Somaliya & dib u kabashada dalka.

69390548_2425052914406923_34390204675564 69349520_2425053161073565_30131455464382 69641866_2425053084406906_84022197134336

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this