Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Finish oo amray in la joojiyo lacagaha la siiyo xildhibaanno iyo saraakiil

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa shalay amray in la joojiyo dhamaan lacagaha la siiyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, taas oo laga bixiyo qoondada Gobalka Banaadir.

Sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo ku dhow Cumar Filish, Warqad uu shalay soo saaray ayuu ku amray in aysan jirin qof la siin karo lacag, kuwaas oo aan ka tirsaneen Shaqaalaha Gobalka Banaadir, wixii laga baxsan waayana ay ku baxaan saxiix iyo wadatashi.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa amray in balan la’aan aysan jirin qof Xafiiskiisa iman karta, waxaana Shaqaalaha lagu wargeliyay in Xildhibaanada, Wasiirada iyo Saraakiisha kale ee u socda Xafiiskiisa ay ku yimaadaan ballan iyo ka warqab.

Dadka aan heli doonin lacagaha Gobalka oo markii hore joogto u qaadan jiray waxaa kamid ah, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha iyo Xarumo kale.

Sidoo kale waxaa lacagta wayn doono mas’uuliyiin aan dowladda xil ka heynin oo ahaa tagaarayaal Nabad iyo Nolal ah, kuwaas oo deggan hoteellada magaalada Muqdisho, lacag ku qaata kaliya inaysan dowladda mucaaradin ama taageeraan. Qaar kamid ah dadkaan ayaa dalka ka soo qabtay Xilal sare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this