Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda Amnesty International Oo Soo Dhaweysay Xadhiga Wasiirkii Amniga Ee Maamulka Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Hay’adda Xuquuqda aadamaha ee Amnesty International ayaa ku tilmaantay xadhiga wasiirkii amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhinaca la xisaabtanka dadka gaystay dambiyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha.

79FB2A2D-A057-46B3-982F-D1CAD082BD5B_cx0

War-saxaafadeed ka soo baxay Amnesty ayaa lagu sheegay Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo loo yaqaano Cabdirashiid Janan loo haysto dambiyo ka dhan ah bini’aadmanimada, iyo in uu kaalmada iyo muwacaanada samaflka ah is-hortaagay.

Agaasimaha ku xigeenka xafiiska Afrikada Bari iyo haraha waawayn ee Amnesty, Seif Magango ayaa sheegay In guddiga qaramada u qaabilsan dabagalka cunaqabataynta hubka ee Eritrea iyo Somalia warbixin ay soo saareen ku sheegeen in Cabdirashiid Janan ku eedaysan yahay falal dhacay intii u dhaxaysay 2014 ilaa 2015 kuwaasi oo sida warbixintu sheegtay isugu jiray, dil, jidh-dil, iyo xadhig sharci darro ah.

Amnesty ayaa ku baaqday in maxkamad la soo taago laguna xukumo sida ay dhigayaan sharciyada caalamiga ah. Cabdirashid Janan ayaa sabtii lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyada oo taliye ku xigeenka booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen ay xaqiijisay xadhiga sarkaalkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this