Sign in to follow this  
Deeq A.

IRAN Oo Sheegtay In Khalad Farsamo Sababtay Gantaal Qarxay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Iran)-Dawlada Iran ayaa faahfaahin ka bixisay qaraxa gantaal ka dhacay saldhiga Imam Khomeini, kadib markii uu soo baxay muuqaal satellite ku qaaday oo muujinaya qaraxaasi dhacay todobaad ka hor.

5b7f04e0fe2345c19f0d98ab8fdc0cd2_18.jpg

Afhayeen u hadlay dawlada oo magaciisa la yidhaa Cali Rabici ayaa maanta sharaxaad ka bixiyey in qaraxaasi uu ahaa markii dawlada Iran ay isku dayday inay satellite dirto, kaas oo dawlada Maraykankuna ay cambaaraysay.

Qaraxa gantaalkan ay sababtay cilada farsamo ayaa noqonaya kii labaad ee Xarunta Hawada Sare ee dalka Iran ay ku doonaysay inay ku ganto, balse madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa jimcihii sheegay inay sii korodhay walaaca laga qabo barnaamijka hawada sare ee Iran.

Inkasta oo Afhayeenka dawlada Iran Mr Rabiei uu diiday soo jeedintaasi, isla markaana uu tilmaamay in dhibaatadu ay tahay cilad farsamo oo dhacday.

“Qaraxu waxa uu dhacay markii la ganay balse may jirin wax Satellite ah oo ilaa iyo hada la gudbiyey ama la diray,” ayuu yidhi Afhayeenku.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this