Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo war kasoo saaray hadalkii kasoo yeeray Cabdullaahi Sanbaloolshe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iska fogeeyey hadal kasoo yeeray taliyihii hore ee nabad-sugidda Soomaaliya, Cabdullaahi Sanbaloolshe ee la xiriiray xaaladda siyaasadda dalka iyo beelaha Mogadishu Clan.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in hadalka Sanbaloolshe uusan matalin siyaasadda xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo sidoo kale Sanbaloolshe uu xubin ka yahay.

Hoos ka aqriso qoraal kasoo baxay Xasan Sheekh.

Siyaasadda Soomaaliya ee xilliyadaan dambe waxay ahayd mid gabi dhacleyneyso oo aan jihaysneyn, sidaas daraadeed ayaa mararka qaar lala kulmaa aragtiyo kala duwan ama ka durugsan mabadi’dii siyaasadeed ee asaasiga inoo ahayd, taas oo ku qeexan dastuurka Kmg ah, oo siinaya muwaadiniinta Soomaaliyeed xuquuq siyaasadeed oo siman.

Baryahaan waxaa baraha bulshada yiillay ra’yi uu ka hadlay mudane Cabdullaahi Maxamad Cali (Sanbaloolshe).

Mudane Sanbaloolshe waa mas’uul ka tirsan Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD), hase yeeshe arrinka uu ka hadlay ee la xiriira siyaasadda qabaliga ah, ka mid ma aha mabaadi’da Xisbiga UPD ee ku cad xeerka iyo barnaamijka Xisbiga ee waa ra’yiga gaarka ah ee mudanaha.

Ummadda Soomaaliyeedna sidaas ha ula socoto arrinkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this