Deeq A. Posted September 2, 2019 Nairobi (SMN) – Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa war waxay kasoo saartay xariga Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur [Janan]. Mas’uulkan oo Sabtidii laga qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho isaga oo ka yimid Doolow kuna sii jeeda Addis Ababa ayaa la dhigay CID-da, halkaasi oo lagu waydiinayo su’aallo. War qoraal ah oo kasoo baxay Amnesty International ayaa lagu shaaciyey in Mr Janan loo haysto dambiyo caalami ah oo ay ku jiraan xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sida carqaladeynta kaalmo bini’aadanimo. Qaramada Midoobay iyo Monitoring Group ayaa intii u dhaxeysay 2014-kii iyo 2015-tii waxay ku eedeysay wasiirkan “dilal, jirdil, xarig sharci darro ah iyo tarxiil baalmarsan qaanuunka waddanka”. Seif Magango, agaasimaha hay’addan u qaabilsan Geeska Afrika kaasi oo ku booriyey garsoorka Soomaaliya in ay si degdeg ah maxkamad u soo taagan Janan ayaa tilmaamay in xarigiisa uu cadaalad u horseedo dhibaneyaasha. “Xariga Cabdirashiid Janan waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday la xisaabtanka shaqsiyaadka xilalka ka qabtay Soomaaliya ee sameeyay xad-gudubyadda bini’aadanimo inta ay xukunka hayeen,” ayuu yiri Magango. Hadalka Amnesty International ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo maamulka Jubbaland uu xariga mas’uulkan ku tilmaamay “afduub baalmarsan dastuurka iyo shuruucda kale ee waddanka u taala”. View the full article Share this post Link to post Share on other sites