Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  mudane Xasan Cali Khayre ayaa gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Wafdiga raiiusl wasaaraha waxaa soo dhaweyeey diyaaradaha Ugaas Nuur Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo ay kamid yihiin Wasiirada arrimaha gudaha iyo amniga,xildhibaanno labada gole ka tirsan, madaxa fulinta Galmudug, saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo socdaalkiisa dhuusa-mareeb uu qeyb ka yahay qorshaha dhameystirka dadaallada horumarinta Galmudug, ayaa furaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo reer Galmudug ay uga tashanayaan aayahooda iyo dhismaha dowlad goboleed loo dhanyahay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this