Deeq A. Posted September 2, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Wafdiga raiiusl wasaaraha waxaa soo dhaweyeey diyaaradaha Ugaas Nuur Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo ay kamid yihiin Wasiirada arrimaha gudaha iyo amniga,xildhibaanno labada gole ka tirsan, madaxa fulinta Galmudug, saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo socdaalkiisa dhuusa-mareeb uu qeyb ka yahay qorshaha dhameystirka dadaallada horumarinta Galmudug, ayaa furaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo reer Galmudug ay uga tashanayaan aayahooda iyo dhismaha dowlad goboleed loo dhanyahay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites