Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare khayre oo tegay magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kharye, ayaa galabta tegay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug, halkaasi oo uu ka furmi doono shirka dib u-heshiisiinta Galmudug.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo ay kamid yihiin arrimaha gudaha iyo amniga gudaha, xildhibaanno labada gole ka tirsan, madaxa fulinta Galmudug, saraakiil ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Ra’iisul Wasaaraha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo socdaalkiisa dhuusamareeb uu qayb ka yahay qorshaha dhamaystirka dadaallada horumarinta Galmudug, ayaa furaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo reer Galmudug ay uga tashanayaan aayahooda iyo dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare khayre oo tegay magaalada Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this