Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Filish oo is-beddalay iyo shardi culus oo lagu xiray furista jidadka xiran ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa badalay go’aankiisii ku aadanaa inuu furi doono jidadka Muqdisho ee xiran waqti badan.

Guddoomiyaha ayaa shardi culus ku xiray in jidadka Muqdisho ee xiran loo furo shacabka iyo ganacstada dhibaatada ku qabo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in furitaanka jidadka Muqdisho ay ku xiran tahay inay Shacabka kala shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka in uusan qarax ka dhicin Magaalada oo aan lasoo weerarin xarumaha Dowladda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in markii Shacabka Muqdisho ay kasoo baxaan doorkooda ah in Ciidamada Ammaanka usoo sheegaan meelaha lagu diyaariyo qaraxyada iyo dadka fulinayo ay iyagana furi doonaan jidadka xiran ee Muqdisho.

Wuxuu sheegay in markii la waayo qarax ka dhaco Muqdisho ay iyagana ka shaqeyn doonaan furista jidadka, wuxuuna hadalkaas noqday mid si weyn u khilaafay hadalkii uu ka sheegay Xafladdii caleema saarkiisa oo ahaa inuu si deg deg ah u furi doono Jidadka xiran ee Muqdisho.

Hadalkiisii hore ee ahaa inuu furi doono jidadka Muqdisho ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey Shacabka Muqdisho, waxaana illaa hadda la ogeyn sababta keentay inuu is badalo go’aankii Guddoomiyaha.

Lama ogo haddii uu Guddoomiye Cumar cadaadis kala kulmay madaxda ugu sareeyo Dalka oo ku qanacsan inay jidadka sii xirnaadaan maadaama ay u arkaan inay tahay qaabka kaliya ee looga hortagi karo qaraxyada Al-Shabaab.

Halkaan hoose ka daawo isbadalka ku dhacay Guddoomiyaha


Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this