Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Iyo Seychelles Oo Wali Isku Maandhaafsan Sii Deynta Maxaabiista U Xidhnaa Budhcad Badeednimo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa ku adkeysanaysa inay sifo sharci ah u martay sii deynta 19 maxbuus oo budhcad badeednimo ugu xidhnaa Hargeysa, kuwaas oo dhammaadkii bishii hore uu cafis u fidiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

12.jpg

Dowladda Seychelles ayaa hore u sheegtay in Somaliland ay si aan sax ahayn usii daysay maxaabiistaasi oo qaarkood ay ku xukunnaayeen sannado badan.

Arrintan ayaa la sheegay in mar kale lagu soo qaaday kulankii waddamada Afrika iyo Japan ay toddobaadkii hore ku yeesheen magaalada Yokohama.

Garyaqaanka guud ee Somaliland Cabdisamad Cumar Maal ayaa BBC u sheegay in sii deynta maxaabiista ay u mareen heshiiska ay kala saxiixdeen Seychelles iyo xeer wareejinta maxaabiista ee Somaliland.

“Isfahamkan lagala saxeexday waxaa uu sheegaya qaabka ama maqaamka ay yeelanayaan maxaabiista lala soo wareegay…..markii ay iyagu gacanta ku hayeen xeerarkooda ayay ku dhaqayeen…waxay u madaxbanaanayeen inay ku qaadan xeerarkooda, markii lasoo wareejiyay mas’uuliyaddii iyo maamulkooda anaga ayay nagu soo wareegeen” ayuu yidhi Cabdisamad Cumar Maal oo uu warramayay weriyaha BBC Cabdullaahi Jaamac.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in xeerka wareejinta maxaabiista Somaliland uu dhigaya in madaxweynaha uu cafis u fidin karo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this