Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Iyo 10 Dal Kale Oo Dhoolatus Ka Wada Badda Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Sideed Markab oo kuwa dagaalka ah, diyaaradaha dagaalka iyo 1000 shaqaale ah ka socda Mareykanka iyo toban waddan oo dhaca koonfurta Aasiya ayaa maanta ka qeybgalaya dhoolatus ciidan oo ka bilaamay biyaha badda ee ku yaala koonfurta Shiinaha.

dhoolatus-640x360.jpg

Dhoolatuskaan oo ah kii ugu horreeyay ee dhexmara urur weynaha gobolka koonfurta Aasiya iyo xukkuumadda Washington waxa uu soconayaa muddo shan cisho ah, kaas oo ka bilaabanaaya saldhigga Maraakiibta Sattahip ee dalka Thailand wuxuuna ku dhammaanayaa biyaha badda ee dalka Singapore

Howlgalladaan ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan howlgalka Mareykanka ee gobolka iyo xiisadda u dhaxeysa Beijing iyo Koonfur-bari Aasiya, taas oo ku saabsan muranka Badda Koonfurta Shiinaha oo ay sheegtaan dalalka Brunei, Malaysia, Vietnam iyo Philippines.

Xukuumadda Shiinaha ayaa lagu warramay inay heegan galisay ciidamada badda dalkaasi, inkastoo ayna jirin wax cabsi ah oo ay ka qabto dhuulatuskaasi ciidan ee ay wadaan Mareykanka iyo toban dal oo ka tirsan Aasiya, gaar ahan koonfurta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this