Sign in to follow this  
Deeq A.

Hey’adda Amnesty International oo war culus kasoo saartay xariga C/rashiid Janan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hey’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa tallaabo muhiim ah ku tilmaamtay xarrigii Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo loo heysto xadgudubyo dhanka baniaadanimad.

Hey’adda ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqday in si deg deg ah maxkamad loo soo taago Wasiirkii Amniga Cabdirashiid Janan oo Muqdisho lagu xiray.

“Qabashada Cabdirashiid Janan waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday isla xisaabtanka xadgudubyada halista ah ee xuquuqda aadanaha ee ay geysteen, shaqsiyaadka awoodda badan ee Soomaaliya, iyadoo aan lala xisaabtamin sanado badan”Sidaas waxaa yiri Agaasime Kuxigeenka Bariga iyo Geeska Afrila ee Hey’adda Amnesty International Mr Seif Magango.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen ayaa xaqiijisay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay xireen Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo ahaa Wasiirkii Amniga Jubbaland.

Taliyaha Ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed Generaal Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in Wasiir janan uu yahay eedaysane isla markaana Boolisku baaritaan ku haayo kiisa loo haysto Wasiirka Amniga Gudaha Jubaland Cabdirashiid Janan.

“Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa shalay ay taariikhdu ahayd 31/08/2019 soo xiray eedeeysane C/Rashiid Xassan Nuur ‘Janan’ kaasoo ku eedaysan dambiyo culus, kiiskaas oo hada ay baarayaan ciidanka boliiska” ayay tiri Zakiya Xuseen Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this