Deeq A. Posted September 2, 2019 Baardheere (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqen maanta ka dhacday qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la rumeysan yahay inay fulisay diyaarad ay leedahay dowladda Kenya. Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsaday goobo waxbasho iyo kuwa caafimaad oo ku yaalla deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolkaasi. Deegaankan ayaa waxaa gacanta ku haya, islamarkaana ka arrimiya dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. Sidoo kale ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi diyaaradeed. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo dhanka Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites