Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn xoogan oo ka dhacday gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqen maanta ka dhacday qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la rumeysan yahay inay fulisay diyaarad ay leedahay dowladda Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsaday goobo waxbasho iyo kuwa caafimaad oo ku yaalla deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolkaasi.

Deegaankan ayaa waxaa gacanta ku haya, islamarkaana ka arrimiya dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi diyaaradeed.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo dhanka Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this