Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin waday lacago False ah oo lagu qabtay M/ Cadaado

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (SMN) – Ciidamada ammaanka ayaa maanta gacanta ku dhigay nin waday lacago Doller oo False ah kadib howlgallo ay ka sameyeen gudaha magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha Booliska ee Galmudug ayaa sheegay in ciidamadu ay soo qabteen illaa 10 kun oo Doller-ka Mareykanka ah oo la doonayey in la galiyo gudaha magaladaasi.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu tilmaameen inay ku raad joogan ninkii loo waday Lacagtaasi

Waxa kale oo ay sheegeen in lacagahan Dollerka laga keenay magaalooyinka Beledweyne iyo Gaalkacyo, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay Galmudug gacanta ku dhigto lacago been abuur ah la doonayey in la geeyo deegaanada maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this