Sign in to follow this  
Deeq A.

Sanbaloolshe: Inta ay afar arrimood jiraan waa in Villa Somalia uu madaxweyne Hawiye ah fadhiyaa + Video

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ahaa  Taliyihii hore ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa bixiyey wareysi xasaasi ah oo uu baaq ugu dirayey Beelaha Mogadishu Clan.

Sanbaloolshe ayaa sheegay dowladnimada ay ku dhisan tahay qaab qabiileysan, isla markaana Baarlamaanka iyo Xukuumadda lagu qeybsado hannaanka 4.5 ee Beelaha wax ku qeybsadaan, sidaas darteedna loo baahan yahay in Beelaha Mogadishu Clan ay nabadeeyaan Meelaha ay ku nool yihiin.

Taliyaha ayaa sheegay inay tahay in Beelaha Mogadishu Clan ay hoggaanka u qabtaan deegaanada ay iyaga ka taliyaan, isla markaasna ay ku daydaan Puntland iyo Somaliland oo ah Qabiilo kasoo qeyb qaatay dagaalkii lala galay Siyaad Barre.

Wuxuu Carabka ku dhuftay in Urururadii kala duwanaa ee lasoo dagaalamay Siyaad Barre ay dhammaatood nabad ka dhigeen deegaanadooda balse Mogadishu Clan illaa hadda taas laga la’yahay sida uu hadalka u dhigay .

Wuxuu sheegay in Mogadishu Clan ay aheyd middii Siyaad Barre ka bixisay Muqdisho loona baahnaa inay Magaalada ka dhigto mid nabad ah oo hoggaanka u heyso Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inuu farriin toos ah u dirayo Mogadishu Clan uuna doonayo in Galmudug loo mideeyo sida ay u mideysan yihiin Puntland .

“Dowladnimada hadda noo dhisan qaabka ay ku dhisan tahay, shucuub ahaan waa dad qabiileysan oo qabyaaladeysan ayaa nahay, dowladeena haddii madaxweyne la dhisaayo, haddii RW la dhisaayo, haddii wasiiro la dhisaayo, haddii baarlamaan la dhisaayo horta 4.5 ayaa lagu fadhiyaa, nin walba qabiil ku soo galaa, qabaa’ilka odayaashooda, xildhibaanadooda iyo waxgaradkooda marka ay jago raadsanayaan ayagoo qabiil ah ayay raadsanayaan, mana fiicno wax markii la qabanayo la qariyo, waxa waa in sidii ay yihiin lagu dhaqmo” ayuu yiri Cabdulalahi Sanbaloolshe.

“Siyaasadda Soomaaliyeed intay afar arrimood taagan yahay, madax banaanida AMISOM ilaalineyso, Somaliland maqan tahay, Shabaab dalka heysto, qof qurbaha ka yimid mulkiile uu leeyahay, waxaan rabaa inuu madaxweyne Mogadishu Clan ah fadhiyo Villa Somalia.”

Sanbaloolshe ayaa ku dhawaaqay in siyaasadda wixii hadda ka dambeeyo laga dhaafo munaafaqnimada isla markaasna wax kasta loo abaaro sida ay yihiin oo la iska daayo wax qarinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this