Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Kheyre oo kusii jeedo Dhuusamareeb iyo waqtiga shirka dib u heshiisiinta oo la shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha gudaha fereraalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa ku dhawaaqay in shirka dib u heshiisiinta Galmudug uu furmin doono maalinta Arbacada ah oo ku beegan 4-ta Bishan Septembar.

Mudane Sabriye oo Dhuusamareeb kula hadlayay Ergada matalaysa degaannada Galmudug iyo guddiga qabanqaabada shirka ayaa intaa ku daray in ay idil yihiin xubnihii ka qeyb geli lahaa shirka, ayna filayaan in uu si habsami leh ugu billowdo uguna soo dhammaado.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa lagu wadaa in gaaro Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, si uu u furo shirka lagu wado in uu saacadaha soo socda halkaasi ka furmo.

Ammaanka Magalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana halkaasi ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo isugu jira Millateri iyo Boolis iyo Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo dhawaan la geeyay.

Waxaa sidoo kale haatan Magalada Dhuusamareeb laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya,waxaana wararku sheegayaa in Ciidamada Dowladda ay baaritaano ku sameynayaan Gaadiidka dhexmaraya wadooyinka Magalada Dhuusamareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this