Deeq A. Posted September 2, 2019 Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxa xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhashay gaari NOHA oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, islamarkaana ay la socdeen Rag hubeysan. Gaariga ayaa waxaa markii hore ka shakiyey ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo israsaaseyn kooban ay dhexmarya iyaga iyo raggii la socday. Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Cabdullaahi (Tuulax) ayaa ka warbixyey khasaaraha uu sabababay qaraxaasi. Tuux ayaa sheegay in iska hor imaadka koowaad lagu dilay mid ka mid ahaa raggii saarnaa gaariga qarxay, halka mid kalena uu baxsaday, kaas oo uu tilmaamay in lagu raad-joogo. Waxaa kale oo uu hoosta xariiqay inay dhinteen illaa labo of oo shacab ahaa, sidoo kalena ay dhaawacmeen 7 kale oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada Booliska. Dhanka kale warar madax banan ayaa sheegaya in khasaaraha uu ka badan intaasi, islamarkaana uu dhaawaca askarta uu gaarayo illaa afar qof. Sidoo kale waxa uu burbur xoogan soo gaaray gaadiid u badan kan dadweynaha, mootooyin nooca Bajaajka ah iyo goobo ganacsi oo ka agdhawaa halkaasi. Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe amaanka Muqdisho uu ahaa mid degan, islamarkaan ay howlgallo ka wadeen ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites