Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsato Soomaaliyeed oo boob loogu geystay K/Afrika+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Johannesburg (SMN) – Kooxo burcad ah ayaa maanta boob xoogan u geystay goobo ganacsi oo ay dhalinyaro Soomaaliyeed ku lahaayeen gudaha dalka Koonfur Afrika.

Burcada ayaa dhac iyo boob kula dhaqaaqday Dukaamo ay Soomaali lahaayeen oo ku yaalla xaafadda Tembisa oo ah deegaanka 2-aad ee ugu weyn magaalada Johannesburg.

Goobaha la boobay ayaa waxaa iska lahaa ganacsato isugu jirta Soomaali iyo kuwo kale oo  u dhashay dalka Hindiya.

Sidoo kale kooxahan burcada ayaa dab qabadsiiyey goobahaasi, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayey dhibaatooyinka ay ganacsatada Soomaaliyeed kala kulmaan gudaha dalka Koonfur Afrika.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Koofur Afrika 11 22 33

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this