Deeq A. Posted September 2, 2019 (SLT-Kabul)-Ergeyga Mareykanka ee hoggaaminaya dadaallada heshiiska lagula galayo Taliban ayaa magaalada Kabul kula kulmay madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani, xilli heshiis taariikhi ah oo lala galayo kooxda muqaawamada uu aad u dhow yahay. Zalmay Khalilzad ayaa muddo sannad ah ku bixiyey inuu Taliban kula kulmo magaalada Doha, halkaasi oo uu kula yeeshay wada-hadallo dhowr ah oo looga gol leeyahay in lagu soo geba-gebeeyo dagaalka 18 sano jirsaday ee Mareykanka uu ka wado Afghanistan. Heshiiska ayaa waxaa xuddun u ah in ciidamada Mareykanka ay ka baxaan Afghanistan, ayada oo taa beddelkeeda Taliban ay sameynayaan ballan-qaadyo dhowr ah oo amni, wada-hadallo nabadeed oo ay la yeeshaan dowladda dalkaasi, iyo ugu dambeyn xabad joojin. Sarkaal magaciisa qariyey ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Khalilzad uu habeenkii axadda yimid Kabul, uuna la kulmay Ghani, si uu ugala hadlo dhacdooyinkii ugu dambeeyey kadib wareegii sagaalaad ee wada-hadallada oo kusoo geba-geboobay caasimadda Qatar. Wada-hadallo kale oo dhowr ah ayaa la filayaa in maanta yeeshaan Ghani iyo Khalilzad. Wada-hadalladan ayaa muhiim ah, sababtoo ah dowladda Afghanistan ayaa tan iyo markan dibedda ka joogtay wada-hadallada, inkasta oo heshiis kasta oo lala gaaro Taliban uu u baahnaan doono in Taliban ay la hadasho Ghani oo ay u aragto “adeege Mareykan.” Source Share this post Link to post Share on other sites