Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalxiisayaal Ku Dhintay Dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Labo qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen shan kalana waa la la’yahay ka dib markii daadad qaadeen koox dalxiiseyaal ah, iyadoo ay roobab mahiigaanno ah ka da’een goobta loo dalxiis tago ee Hell’s Gate National Park.

108578676_8df62472-c207-40b8-8284-8f8f77

Hay’adda ilaalada duurjoogta Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo KWS ayaa sheegtay in arrinta ka dhacday Hell’s Gate National Park ay asiibtay shan ruux oo Kenya u dhashay nin dalxiise yaasha haga oo deegaanka u dhashay iyo qof “ajnabi ah”.

Labo mayd ayaa la helay intii la waday qorshaha baadigoobka iyo samato bixinta, kaas oo aan wali la soo gabogabayn.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warrantay in dadka dhintay iyo kuwa la la’yahayba ay ka mid ahaayeen 12 qofoo booqanayay Hells Gate oo 100km u jirta waqooyiga galbeed ee magaalada Nairobi.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in dadkii badbaaday ay arrinta dhacday ku wargaliyeen ilaaladii, intaas ka dibna la billaabay baadigoob ay ka qaybqaadanayso diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah.

Qof ka tirsan booliiska Kenya oo dalbaday in aan magaciisa la sheegin ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in dadka la’layahay “laga soo qaadayo in ay dhinteen” arrintaasna lagu salaynayo xogta ay dhiibeen dadkii soo badbaaday.

Goobtan ayaa loo bixiyay Marinka Cadaabka sida ay cidhiidhiga u tahay awgeed.

Hell’s Gate National Park waxaa la aasaasay 1984.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this