Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax daqiiqado ka hor ka dhacay nawaaxiga isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari nooca raaxada ah.

Gaariga ayaa la sheegay inay ka shakiyeen ciidamada Booliska ee ku sugan halkaasi, kadibna uu qarxay.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan oo inta badan laga maqlay gudaha Caasimadda.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray halkaasi, kuwaas oo xiray dhaq dhaqaaqa isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.

Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this