Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka dib u heshiisiinta oo Arbacada ka furmaya Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Wasiirka Arrimaha gudaha fereraalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa ku dhowaaqay in shirka dib u heshiisiinta Galmudug uu furmin doono Maalinta Arbacada ah oo ku beegan 4-ta Bishan Septembar.

Mudane; Sabriye oo Dhuusamareeb kula hadlayay Ergada matalaysa degaannada Galmudug iyo guddiga qabanqaabada shirka ayaa intaa ku daray in ay idil yihiin xubnihii ka qeyb geli lahaa shirka, ayna filayaan in uu si habsami leh ugu billowdo uguna soo dhammaado.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa lagu wadaa in gaaro Magaalo Dhuusamarteeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, si uu u furo shirka lagu wado in uu Saacadaha soo socda halkaasi ka furmo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this