Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay askari lagu helay in uu dilay arday

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku ridday askari ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliya oo bishii July ee sannadkan magaalada Muqdisho ku dilay qof rayid ah.

Askariga oo lagu magacaabo Baashi Mustaf Cumar Dhaqane ayaa sida maxkamaddu sheegtay 26-July ee sannadkan waxa uu degmada Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho ku dilay arday lagu magacaabi jiray Nuur Maxamed Maxamuud.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Xafiiska xeer-ilaalinta oo baaritaan ku hayay kiiska ay horkeeneen laba markhaati oo ku marag furay eedaysanaha iyo qorigii uu dilka ku geystay oo noociisu ahaa AK47 sidaasi darteedna uu ku caddaaday Kiiska.

Markhaatiyaasha ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay in askariga wakhtiga uu dilka geystay uu u muuqday mid soo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya islamarkaana uu si bareer ah u dilay marxuumka dhintay.

Balse Qareennada u dooday Eedeysanaha ayaa maxkamadda weydiistay in loo naxariiisto maadaama uu ahaa qof aan miirkiisa joogin.

Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda Derejada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/Sare Xassan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in dil toogasho ah lagu xukumay eedaysanaha balse uu haysto bil rafcaan ah.

PUNTLAND POST

The post Muqdisho: Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay askari lagu helay in uu dilay arday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this