Sign in to follow this  
Deeq A.

S/land oo ka hortimid heshiiskii DF iyo Midowga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (SMN) – Warsaxaafadeed ka soo baxay Somaliland, gaar ahaan wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta ee maamulkaasi ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan saxiixi karin heshiis ku saabsan guud ahaan deegaanada Somaliland.

Qoraalkan aya sidoo kale lagu sheegay in kaalmada beesha caalamka si toos ah loogala xaajoodo Somaliland, islamarkaana aysan qaadan doonin mashruuc loo soo mariyey meelo kale.

Sidoo kale waxa ay Somaliland sheegtay in mashruucan oo loogu magac daray Duqii hore ee Muqdisho Injineer Yariisow uusan ka fuli doonin Berbera, sida ay hadalka u dhigtay.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo 31-kii bishii hore ee August xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Ururka Midowga Yurub ay kala saxiixdeen heshiis la xariira dhismaha waddooyinka iyo horumarinta magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera.

Halkan hoose ka akhriso:

123

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this